RASMI: Difaaca Lazio ee Stefan de Vrij oo xaqiijiyey inuu heshiis shan sanadood ah ugu biirayo Kooxda…

0

Difaaca kooxda Lazio ee De Vrij ayaa xaqiijiyey in heshiiskii uu ku joogay caasimadda Talyaaniga uu soo dhammaaday, waxaana xiddigan xulka qaranka Netherlands uu shaaca ka qaaday inuu ku biiri doono koox ay horyaalka Serie A ku xafiiltamaan Lazio.

Xiddigan reer Holland ee Stefan de Vrij ayaa u sheegay Suxufiyiinta inuu heshiis shan sanadood ah ugu biiri doono Inter Milan marka uu qandaraaskiisa Lazio ka dhaco dhammaadka bisha June.

26-sano jirkaan ayaa bilihii la soo dhaafay oo dhan si weyn loola xiriirinayey inuu u dhaqaaqi doono garoonka San Siro, laakiin hadda waxa uu shaaciyey inuu ku biiri doono Inter.

Inkastoo uu Stefan de Vrij shaaca ka qaaday in marka uu dhammaado heshiiskiisa uu iska dhigi doono Maaliyadda Lazio oo uu ku biiri doono Inter Milan ayaa haddana labada kooxood ee Inter iyo Lazio aysan weli shaacin heshiiskan.

“Waxaan saxiixay heshiis shan sanadood ah, run ahaantii anigu waxaan eegayaa inaan horay u socdo” ayuu De Vrij Suxufiyiinta u sheegay isagoo ku suganaa tababarka Netherlands uu isugu diyaarinayo kulamada Saaxiibtinnimo ee ay la kala ciyaari doonaan xulalka Slovakia iyo Italy.

De Vrij ayaa kaga soo biiray Lazio kooxda Feyenoord sanadkii 2014-kii, waxaana uu kooxda reer Talyaani u saftay 118 kulan isagoo u dhaliyey 10 gool.

Hadalsame Media