Midowga Afrika oo si dadban ugu digey Imaaraadka Carabta!

0

(Addis Ababa) 28 May 2018 – Guddoonka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa xarunta ururkaasi ee magaalada Adis Abeba ku qaabiley Wasiirka 1-aad ee Soomaaliya ee Hassan Ali Khaire, waxayna labadoodu ka wada hadleen xaaladda ugu danbaysa ee dalka iyo dib u qaabaynta siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha amaanka.

Guddoonka ayaa dowladda Somalia ku amaanay hoggaanka iyo ka go’naanta ku aaddan sidii loo maarayn lahaa dhibaatada ka taagan Somalia, wuxuuna caalamka ugu baaqay in faragelinta wax u dhimi kara laga daayo geeddi socodka nabadeed iyo dib u yagleeliadda Somalia oo nabad ah ee wiiqaysa heer federaal iyo heer gobol, gaar ahaan ururrada iyo dalalka aan Afrikaanka ahayn, taasoo dib u celin karta guulaha buu yiri ay sida adag ku keeneen ururka Midowga Afrika, isagoo Soomaalida oo dhan ugu baaqay inay nabad kusoo dabaalaan dalkooda.

Wuxuu guddoonku dowladda ku amaanay horumarka ay samaysay sanadkii tegey isagoo soo jeediyay in la dabaqo hannaan wax ku ool ah oo lagusoo dabbaalayo amaan waara muddada kala guurka ah ee ay ciidamada Somalia amaanka kala wareegayaan AMISOM iyo qorshe ku aaddan sidii is faham buuxa looga gaari lahaa madmadoow kasta oo ku dhex jira umadda Soomaaliyeed.

Wasiirka 1-aad Khayrre ayaa isagoo ku hadlaya codka Dowladda Federaalka ah ee Somalia wuxuu MA uga madadceliyay howlgalka AMISOM oo uu sheegay inay nafta u hureen sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa Somalia, isagoo isla markaa sheegay inay muhim u yihiin xaaladda kala guurka ah ee ay ciidamada Somalia ee SNA kula wareegayaan amaanka guud ahaan dalka Somalia.


Hadalsame Media