Kulan kasta oo muhim ah xiddig kabiir ah ayaa ka dhaawacma Real Madrid

0

(Kiev) 28 Maajo 2018. Real Madrid ayaa ku guuleystay Champions League markii saddexaad oo xiriir ah kaddib  guul ay ka gaartay Liverpool.

Kooxda  Cad Cadka ayaa dhib la’aan ku martay Reds Waana markii 13-aad ay ku guuleysato koobka dhaga wayne.

Haddaba Akhriso Nasiibka Real iyo xiddigihii maqnaa wareega 16-ka illaa Finalka Champions League

1:Kullankii PSG wareega 16-ka.

Ciyaartii ugu adkayd kaddib heerka guruubyada waxa ay wajahday PSG, waxaana lugtii labaad oo ay Real ku badisay 2-1 dhaawac ku seegay xiddiga Naymar,kaa soo ah xiddiga ugu dhaq dhaqaaqa badan kooxda ku ciyaarta Parc des Princes.

2:Wareega siddeed dhamaadka naadiga Real ayaa ku aaday Juventus.

Kooxda Juventus waxaa ciyaartii koowaad ganaaxyo ugu maqnaa xiddigaheeda muhiimka ah ee  Pjanić iyo Benatia, sidoo kale kullankii labaad waxaa ganaax ku seegay Dybala,waxaana isku celis ahaan Real ay ku soo baxday 4-3.

3; Wareega Sami Finalka.

Los Blancos ayaa ciyaar xiiso badan wajahday Bayern Munich iyadoo isku dar goolasha labadii kullan ay ku soo baxday 4-3.

Daqiiqaddii siddeed kullankii koowaad ee ka dhacay Allianz Arena ayaa dhaawac lagu saaray Robben,isagoo seegay lugtii labaad ee Santiago Bernabéu.

4: Dhacdadii Finalka.

Dhib la’aan ayee ku martay Liverpool kullankii Kiev,waxaana ay ku guulaysatay koobkeedii 13’aad.

Ciyaartii kama dambaysta ayaa dhaawac lagu saaray xiddiga wacdaraha dhigayay ee Maxamed Salax,waxaana taas ay keentay in hoos u dhac ay ku timaado kubaddii Liverpool.

Hadalsame Media