Goos-goos koobkan oo laga soo bandhigay Filimka Kaala ee uu hoggaamiyaha ka yahay Rajinikanth… (Muuqaal + SAWIRRO)

0

Filimkan Kaala waa mashruuc uu hoggaamiye ka yahay super starka Rajinikanth waxaana uu jilayaa Gangster aan marnaba loo soo dhawaan karin.

Sidoo kale waxaa kula jira Nana Patekar, Huma Qureshi iyo kuwo kale.

Waxaa haatan la soo bandhigay goos-gooskiisa labaad oo ah mashruuca (Teaser 2), kaasoo haatan si weyn looga daawanayo baraha xiriirka bulshada ee dhinaca Internte-ka.

Waxaa filimkan Kaala horay looga soo bandhigay goos-goos kanna waxa uu noqonayaa midkii labaad oo laga soo bandhigo.

Guud ahaantiisna waxaa la daawan doonaa oo la sii deyn doonaa  7 bisha June ee 2018.

Haddaba halkaan hoose ka daawo goos-gooska labaad ee la soo bandhigay iyo sawirro xul ah oo laga qabtay filimkan:-

Hadalsame Media