DAAWO: Wiil yar oo 2-jir ah oo qasaalad dhex galay & dhibka laga maray!

0

(Shandong) 28 Maajo 2018 – Unug ka tirsan dab-damiska ayaa badbaadiyay wiil yar oo 2-jir ah kaddib markii uu dhex galay kase bixi waayay qasaaladda dharka lagu dhaqso gobolka Shandong ee bariga Shiinaha.

Wiilka yar oo dhuumacshoow dheelayay ayaa sida la qiyaasayo ku dhuuntay qasaaladda Khamiistii, waxayna deeto waalidkii oo welwelsani qasaaladdii kasoo saareen guriga iyadoo uu weli wiilkoodii ku dhex jiro si loo caawiyo oo looga saaro.

Waxaa deeto goobtii yimi dadwayne iyo unug dab-damis ah oo si jaantaa rogan ah u furfuray qasaaladdii oo uu ku dhex jiro wiilkii yaraa oo ooyaya, waxaana suuragashay in nus saac kaddib wiilkii yaraa laga saaro qasaaladda.

Wiilka yar ayaa markiiba loola cararay isbitaalka si loo baaro, balse nasiib wanaag waxba ma gaarin.

Hadalsame Media