WAR CUSUB: Maraykanka oo laba dal u kala diray wefdi u gogol xaaraya wada-hadalka Trump-Kim

0

(Washington DC) 27 Maajo 2018 – Wefdi Maraykan ah ayaa maanta oo Axad ah u safray North Korea si ay ugu gogol xaaraan wada hadalka aadka loo dhowrayo inuu dhexmaro madaxwayne Donald Trump iyo dhiggiisa North Korea ee Kim Jong Un, sida uu sarkaal sare oo xaaladda u dhuun daloolaa u sheegay CNN.

Wefdiga baxay ayaa waxaa ka mid ah dan-jiraha Maraykanka u fadhiya Philippines, Sung Kim, waana astaan muujinaysa inuu soo noolaaday wada hadalkaa oo mar laga samray qabsoomiddiisa. Warsidaha Washington Post ayaa mar sii horreeysey sheegay inuu wefdigu ku wajahan yahay isla North Korea.

Koox kale ayaa oo ka mid ah wefdiga isla markaana ku qaybsan dhanka diyaarinta sahayda ayaa u shiraacday Singapore, balse wefdiga aadey dhanka North Korea waxay ka shaqayn doonaan diyaarinta ajendayaasha wada hadalka.

Kulan-madaxeedkan oo markii hore loo qoondeeyay inuu 12 Juun ku qabsoomo Singapore, ayaa waxaa si halhaleel ah u kansalay Trump todobaadkii tegey isagoo warqad uu u qoray Kim uga cowday sida aanu ula dhacsanayn hab-dhaqanka saraakiisha North Korea u diyaarinaysa wada xaajoodka isagoo saluugey daacadnimadooda iyo in ay gebi ahaanba ka tanaanusalayaan cayrsiga hubka halista ah ee nukliyeerka.

 

Hadalsame Media