Taariikhda shaqo iyo tan waxbarasho ee guddoonka cusub ee Maxkamadda Sare ee la magacaabay

0

(Muqdisho) 27 Maajo 2018 – Guddoonka cusub ee Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed wuxuu shahaadada koowaad ee Jamacadda ka qaatay Jaamacadda Hargeysa, halka tan labaadna uu ka qaatay University of Hertfordshire, Hatfield oo ku taalla UK.

Garyaqaanka oo ahaa xubin sare oo ka tirsanaa xisbiga Waddani waxa uu hore usoo noqday qareen, la-taliye sharci, bare jaamacadeed, iyo cilmi baare sharci. Muddo 10 sano ka badan ayuu kusoo jiray hawlaha garsoorka iyo talo-bixinta sharciga.

Waxa ay wada shaqeyn dhexmartay hay’ado caalami ah oo ay kamid yihiin USAID, UNDP, UN WOMEN, IRI, Mercy Corps, UNICEF iyo Wasaarado ka tirsan Dowladda Federaalka ah sida Wasaaradda Arimaha Gudaha, Qorsheynta, Waxbarashada iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyo hay’ado dowli ah iyo kuwa aan dowli ahayn oo ka dhisan Somaliland.

Waxa uu sidoo kale la taliye kasoo noqday Maxkamadda Sare ee Dalka. Sidoo kale, Waxa uu muddo 8 sanadood ah xubin ka ahaa Ururka Isu-tagga Qareennada Somaliland, wuxuuna noqonayaa ninkii ugu da’da yaraa ee xilkan loo magacaabo maaddaama uu 38-jir uun yahay.

Hadalsame Media