Man United oo €110m ku rabta €110m (Lazio maxay ka tiri ?)

0

(Roma) 27 Maajo 2018 – Waxaa lasoo werinayaa in Manchester United ay dirtay dalabkeedii ugu horreeyay ee rasmi ah ee ku aaddan soo xera gelinta Sergej Milinkovic-Savic, balse Lazio ayaa dalbanaysa €150m.

Laacibkan khadka dhexe ayaa ka mid ah xiddigaha aad loo raadinayo ee ka dheela Serie A, waxaana isku garbinaya kooxo fara badna oo reer Europe ah.

Macallin Jose Mourinho ayaa taageere wayn u ah Serbian-kan, iyadoo ay idaacadda Radio Sei werinayso in United ay miiska soo saartay lacag dhan €110m [£96m] oo lagu daray bareemiyo.

Yeelkeede, kooxda Biancocelesti ayaa dalbanaysa in aysan laacibka fasixi doonin jeer farta laga saaro ugu yaraan €150m [£131m] iyadoo uu madaxwaynaha kooxdaas ee Claudio Lotito uu caan ku yahay inuu kubad dhagax la dheelo dadka ugusoo guri fadhiista xiddigihiisa.

Hadalsame