(Muqdisho) 26 Maajo 2018 Xiriirka Soomaalliyeed ee kubadda cagta ayaa qaranka 17 sanno jirada ka reebay siddeed xiddig kuwaas oo ka ciyaara horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya.
Lama ogo sababta dhabta ah ee xiddigahaas xulka loogu reebay, ha yeeshee ciyaartooyda ayaa sheegay in lagu war galiyay in safarka Tanzania aysan qaranka matali doonin.
Sidoo kale macallin Daa’uud oo ahaa Tababarihii labaad ee qaranka ayaa isna shaqada laga fasaxay,waxaana xulka uu iminka tababar ku sameenayaa garoonka Jaamacadaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Qarankeena ayaa dhawaan ku wajahan dalka Tanzania si ay ugu qayb qaataan tarta CAF-U17 oo ka qabsoomi doono magaalada Dar es Salaam.
Magacyada siddeeda xiddig ee qaranka laga reebay iyo kooxaha ay u ciyaaraan
Goolhaye: C/raxmaan-kooxda Waxool
Daafacyada: C/wali – Dekedda, Cali Xabad-Heegan,Ismaaciil-Horseed.
Khadka Dhexe:Baashi Cadde-Betroolka, Xamza-Jeenyo.
Weerarka: Farxaan Duqoow-Gaadiidka,Ayuub-Betroolka.
Hadalsame