QARAN AAN QORSHE LAHAYN KHILAAF KAMA DHAMAADO

0

(Somalia) 24 Maajo 2018 – Siyaasadda analog-ga ah ee Soomaaliya tan iyo xornimadii ma lahayn qorshe 1-aad iyo xitaa qorshe 2-aad (exit strategy or plan B).

Tusaale ahaan, bilowgiiba wax qorshe ah oo qodobaysan oo haddii mid shaqayn waayo mid kale la eegayo laguma wajihin siyaasadda arrimaha dibedda, tusaalaha ugu quruxda badan ee aan taa usoo qaadan karnaa waa dagaalkii 77 iyo cayrintii Midowgii Soofiyeeti.

Kaddib jabhado qamaam ah oo qabiil ku dhisan bilaa qorshana ah ayaa dalkii qabsaday, qorshe 1-aad iska daaye qorshe 1-aad u qoranina ma jirin.

Bal aan haddaba eegno waxa ay 27 sano umadda badeen:

1 – Somaliland baa dhalatoo waxay tiri dal baan ahay oo Somalia waan ka go’ay, yeelkeede, wax qorshe ah lagama yeelanin, tillaabada xigtee lagu dhaqaaqayo haddii aqoonsi la waayo, tan kale la isma waydiinin, aqoonsigu ma hadaf qaran baa mise waa wasiilo loo cuskanayo horumar la maaminayo oo la heli doono aqoonsiga dabadii, haddii waxa la doonayaa horumar iyo cadaalad yihiinse miyaan la heli karin iyadoon Somalia laga go’in?

2 – Somalia qaybta koonfureed 13 sano kaddib baa laga dhisay wax lagu sheegay dowlad federaal ah, waxaana muuqata inay dad badani in federaal la qaato ka dhigeen HADAF QARAN, halkii laga fikiri lahaa muhiimaddii federaal laga yeelan lahaa oo ah in la daadejiyo ama la sarrifo qaar ka mid ah awoodihii dowladda dhexe si ay gobollada iyo degmooyinka dalku u helaan adeegyada aasaasiga ah iyadoo aan la taabanaynin midnimada iyo wada jirka dalka.

Yeelkeede, haatan, iyadoo aan marna diiradda la saarin in wax adeeg ah shacabka loo qabto baa waxaa lagu fooggan yahay wax kasta oo dhaawici kara amniga, wada noolaanshaha iyo midnimada umadda Soomaaliyeed, iyadoo ay dalal kalena ka faa’iidaysanayaan, ama la oran karo waa looga faa’iidaynayaa inay sii waarto foowdada siyaasadeed ee ka taagan dalka, iyadoo uusan jirin qorshe 2-aad ku qotoma waxa la yeelayo haddii uu federaalku sidan kusii socdo.

Tan kale, waxay intaa la hingaarayaan Somalia ha midoowdo iyo Somaliland ma goosan karto, yeelkeede, xitaa degmooyinkii koonfurta ayaa la isku kari la’yahay oo calamo kala sita, tiiyoo ay qaarkood xitaa hal beeli kala go’an tahay. Horta nin caga cadoow yaa kabo kuusoo doonan kara?

3 – Tan iyo dhamaadkii 2006-dii waxaa Somalia joogey ciidamo shisheeye, yeelkeede, kaddib 12 sano oo la leeyahay berri bay bixi doonaan ama saadambe, ma muuqdo wax qorshe ah oo la taaban karo oo ay la yimaadeen dowladihii is xigey si uusan dalku u gelin khalkhal siyaasadeed iyo mid amaan kaddib bixitaankooda, lkn maanta iyo midda markaa naga hor muuqata unbuu maankayagu ku maqan yahay.

4 – Kaddib 2006-dii markii la ridey nidaamkii maxaakiimtii Islaamiga ahaa, waxaa dalka ka dhashay ururro sheeganaya inay la dagaallamayaan dowladda iyo ciidamada shisheeye, yeelkeede, kaddib markii ay dileen wixii ay dili lahaayeen muddo 12 sano ah waxbana aysan uga jiba keenin middaas, weli ma muuqdo qorshe 2-aad u degsan oo ay ku wajahayaan siyaasadda dalka.

5 – Shacabka Soomaaliyeed oo isagu ku sifoobey sheekadii 3 MAANLAAWE, wuxuu u muuqdaa mid ay xakamaha surteen in yar oo ay kaliya ka go’an tahay inay ka mira dhaliyaan danohooda khaaska ah, ha noqdeen madaxda dowladda dhexe, maamul-hebeleedyada, nin wadaad sheeganaya, siyaasi fursad gaad ah, NGO bahaloobey, ganacsato goowracato ah, oday-doqomeed iwm, lkn ilaa hadda isma waydiiyaan, war heedhaha maxaa dan ah oo adiga kuugu jira nin jeenan doon ah oo jeebkiisa uun la sheekaysta, halkaas bayna doodi jikaar ah 24/7 isla hortaagan yihiin, sidii caadiga ahaydna ma laha QORSHE 2-AAD.

Maxay haddaba kula tahay xaajada sanka iyo saynta isa suran leh ee Soomaalidu isu seegayso?

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame