Hufnaan qofeed iyo qiyam (Integrity)

0

(Hadalsame) 24 Maajo 2018 – INTEGRITY: Afka Carabiga waxaa lagu yiraahdaa A-Nazaaha waase jeclaan lahaa eray ku habboon oo Af-Soomaali ah, kolleey hufnaan ayaa ugu dhow.

Waa sifo qaali ah waana waxa lagu kala saaro qofka fiican oo DADNIMADA & DAACADNIMADA leh iyo midka uu xafiiltanku go’aamiyo sida uu wax yeelayo isagoon xeerinaynin RUNTA, RABBI KA CABSIGA, GOBNIMADA & RAGANIMO HADALKA, marka uu qofku leeyahay Nazaaha waxaa la yiraahdaa PERSONAL INTEGRITY, qofkaasi wuxuu yeeshaa karti uu ku kala saaro SAMAANTA & XUMAANTA isagoon wax ka eegaynin aragtidiisa shakhsiga ah, danta ugu jirta IWM, qofka noocaas ihi wuxuu leeyahay DABAR ADAG oo dadnimo iyo runi qaabayso iyo MABAADII’ AKHLAAQI ah oo aan la ruxi karin si kasta oo duufaan loogu kiciyo.

Tusaale ahaan, qof baad waydiinaysaa hebel ka warran deeto wax buu ka sheegayaa xumaan iyo samaan ah lkn ku salaysan caadifad, dano gaar ah, wax isaga iyo ninkaa dhexmaray iwm.

Maalin baa nin igu yiri: “Hebel waa nin ay Soomaalinimadu ku wayn tahay” Saanne, “oo maxaad ku tiri” suuye: “Hadda kahor baan xafiiskiiisa ugu tegey oo 3 kun oo doollar buu i siiyay. Waxaa markaa iisoo baxday inuu ku taageerayo inuu u dhacay khasnaddii dalka.

Hadalsame