Falsafadda fulayga & fashilka la socda

0

(Hadalsame) 24 Maajo 2018 – FALSAFADDA FULAYGA: Haddii shalay uu qabiil X 5 qof ka dili lahaa qabiil Y Facebook waxaa ka abuurmi lahayd daruur holcaysa oo cambaarayn iyo caay ah, lkn shalay dal shisheeye ah ayaa 44 qofood oo Soomaali ah ku shiis bartay marka xaalku waa iska deggan yahay, waayo doqontu waxay had iyo goor ka dhiidhisaa wixii uu WALAALKEED u gaysto.

ISHA AAN KU ARAGNO UMADAHA KALE:

Amxaaradu waa ”walaalahayo” oo beri bay na siiyeen hub aan qarankeenna ku duminno si aan kaddib u tuugsanno oo iyaga u hoos tagno annagoon waxba ahayn, wixii ay cadaawad noo gaysteenna waan u cafinney, xitaa midda ay hadda nala daba socdaan waan sii cafinney si hordhac ah.

Kenya waa dal deris ah oo ”qiimayn mudan” waayo 30 sano ayay dadkeenna jidadka ku baadayaan, yaa diidi kara waa dad Ilaahay is kaaya badaye (kan Soomaaliga ah malaha Ilaahay kuma badin?).

Carabta maba la heli karo waa ‘QARAABO HUBBAN’ waayo dadkeenna maba u ogola inay dalalkooda xornimo ugu noolaadan.

Lkn reer hebel oo Soomaali ah ha ii dhowaynin hadda ka hor baa la ii sheegay inay xun yihiin marka magacooda waaban ku CANAANYOODAA weligeenna heshiin mayno.!!!

Hadalsame