Martial oo ka socda Man United (Kooxo durba daba taagan)

0
MANCHESTER, ENGLAND - OCTOBER 28: Anthony Martial of Manchester United celebrates scoring their second goal during the Premier League match between Manchester United and Everton FC at Old Trafford on October 28, 2018 in Manchester, United Kingdom. (Photo by Tom Purslow/Man Utd via Getty Images) *** Local Caption *** Anthony Martial

(Manchester) 18 Dis 2018 – Wakiilka Anthony Martial ayaa sheegay in uu ‘aad quus uga joogo’ qandaraas cusub oo uu macmiilkiisu la galo kooxda Manchester United, jeer aad looga doonayo dhanka Serie A.

Martial ayaa mudaba lala xiriirinayay Juventus xagaagii, halka Inter iyo Milan ay xiisaynayeen laacibkan reer Faransiis, balse waloow ay United qaadatay dookh ay 12-bilood ugu kordhisay qandaraaska 23-jirkan oo ku eg 2020, balse wakiil Philippe Lamboley ayaa qiray inuusan laacibkiisu sii joogaynin halkaasi.

“Aad baan u rajo yarahay. Waxay durba noosoo direen dalab aan ka tarjumaynin filashooyinkeenna, sidaa darteed heshiis waan ka fognahay,” ayuu ku yiri The Mirror.

Martial ayaa loo arkaa laacib mustaqbal fiican leh isagoo 9 gool dhaliyay 19 kulan oo uu u saftay kooxdiisa, isagoo kaydka kululaynayay kulankii dhowaa ee karaamada looga qaaday kaadka Liverpool oo 3-1 ku dhufatay.

Hadalsame Media