ITOOBIYA: Berri waa baroordiiq qaran (Sabab?)

0

(Addis Abeba) 18 Dis 2018 – Aqalka Wakiillada Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in berritoole ay tahay baroordiiq qaran si loogu xuso geerida madaxwaynihii hore ee Grima Woldegiorgis.

Aqalka Wakiillada ayaa berri Diseembar 19 u asteeyay maalin murugo qaran ah, si loogu maamuuso Grima Woldegiorgis oo Sabtigii xijaabtey.

Maalintan baroordiiqda qaran dalku waa fasax toos ah, sidoo kale waxaa kala bar laga babin doonaa calanka dalka ee suran xarumaha hay’adaha dowladda, sidoo kale safaaradaha iyo qunsuliyadaha dibedda.


Hadalsame Media