AAW oo Twitter-ka ku qoray arrin aad loogu dhaliilay! (Waa maxay?)

0

(Muqdisho) 18 Dis 2018 – Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sameeyay arrin lagu tilmaamay mid uu ku quursadey qarannimada iyo madax bannaanida Somalia.

Warsame ayaa raacay qoraal uu bartiisa Twitter soo dhigay Booliiska Federaalka Maraykanka ee loo yaqaanno FBI oo codsanayay in lasoo sheego haddii la arko dembiyo ka dhacaya dibedda, taasoo durba loo fasiran karo wixii Maraykan khuseeya maaddaama aanay FBI-du xaq u lahayn inay qaadaan dembiyada ka dhaca xuduudaha Maraykanka wixii ka baxsan.

Yeelkeede, Md Warsame ayaa soo tweet gareeyay qoraalkii isagoo raaciyay kabshan yar oo u akhrismaya: ”Dadka Maraykanka jooga, gaar ahaan kuwa taageera Xisbiga Wadajir, fadlan tillaabo qaada oo u sheega weerarkii 17-kii Diseembar.

Waloow uusan jirin qof aaminsan inay sax tahay in qofna khalad lagu weeraro misna waxay dad badani soo jeediyeen in aysan hoggaamiye xisbi heer qaran ah ku habboonayn inuu arrimaha gudaha dalkiisa ku casuumo hay’ad kale oo u xil saaran arrimaha gudaha dal kale.

FBI oo ah hay’ad heer qaran ah oo aan heer caalami ahayn, ayaa la mid ah Booliiska Federaalka ah ee dowladda dhexe ee Somalia ee ay maalin dhowayd la yaabka lahayd inay dad dood ka keeneen in la geeyn karo gobol dalka ka tirsan, taasoo ka mid ah khaladaadka laga fahmey Federaalka.

Hadalsame Media