MAREYKANKA: 62 Al-Shabaab ah ayaan ku dilnay duqeymo ka dhacay Soomaaliya

0

(CHAD) 17 Dis 2018 – Mareykanka ayaa maanta sheegay in 62 dagaalame oo ka tirsanaa ururka Shabaab ay ku dileen lix duqeyn oo sabtidii iyo axaddii ay ka fuliyeen deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellada Hoose, Koonfurta Soomaaliya.

Taliska Mareykanka Africa ee la yiraahdo AFRICOM ayaa sheegay in afar duqeyn la fuliyey sabtidii islamarkaana lagu dilay 34 mintididiin ah, waxaana sidaas oo kale labo duqeyn oo dheeri ah axaddii lagu dilay 28 mintidiin ah.

“Africom iyo saaxiibadeena Soomaalida waxay fuliyeen weerarkan si looga hortago in argagixisada ay goobaha baadiyaha ka dhigtaan gabbaad ay ku qorsheeyaan, ku hagaan, kuna qortaan dagaalyahanno fuliya weeraro” ayaa lagu yiri bayaan kaso baxay Africom.

Africom waxay sheegtay in duqeymahaan oo ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa sanadkan ee lala beegsado A-Shabaab aysan waxba ka soo gaarin dad shacab ah.

Mareykanka ayaa duqeymo joogto ah ka fuliya Soomaaliya isagoo taageeraysa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hadalsame Media