HALIS: Virus halis ah oo laga helay khudaarta lagu iibiyo suuqyada UK + Sawirro

0

(London) 17 Dis 2018 – Hey’ada UK u qaabilsan ilaalinta tayada cuntada ee la yiraahdo FSA ayaa ka digtay halis lagu arkay khudrada taala suuqyada Britian.

FSA waxa ay tilmaantay in Virus khatar ah laga helay khudaarta cagaaran qaarkeed kaas oo dhibaato weyn ku keeni kara caafimaadka dadka.

Viruskan oo la yiraahdo Norovirus waa mid ku dhaca caloosha wuxuuna sababaa matag faro badan, waxaana aad ugu nugul carruurta iyo dadka waayeelka ah oo uu aad u dhul dhigo waxaana sanadkii la soo dhaafay u dhintay ilaa 300 oo qof.

Caabuqa uu keeno Viruskan ayaa sida ay tilmaameen dhaqaatiirta FSA waxaa faafiya saxarada aadanaha.

Waxaa Diyaariyay: MM Dhoorre

Hadalsame Media