DEG DEG: Wasiirka Howlaha-guud iyo dib u dhiska oo la magacaabay

0

(Muqdisho) 17 Dis 2018 – Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa loo magacabaaba Cabdi Aadan Hoosoow, maalin uun kadib markii Wasiirkii hore ee wasaaraddan Cabdifitaax Geeseey uu shaqadiisa uga tagay arrimo uu ku sheegay xarigii Mukhtaar Roobow iyo amuuraha Siyaasadda ee Koonfur Galbeed.

RW Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isla maantaba buuxiyay booska Wasiirkii is casilay sida goor dhow laga baahiyay warbaahinta dowladda Federaalka Soomaalia.

Hoosow ayaa hore u soo noqday guddoomiyaha gobolka Bay xiligii dowladda Xasan Shiikh Maxamuud hoggaaminayay.

Hadalsame Media