DAAWO: Hindiya oo danjirayaashii ugu badnaa isu keentay & Somalia oo ka dhex muuqatey + Sawirro

0

(Prayagraj) 17 Dis 2018 – Dowladda Hindiya ayaa maamul-goboleedka Hindiya ee Uttar Pradesh iskugu gaysey 72 danjire dhacdada Kumbh Mela 2019, taasoo sanadkan la qorshaynayo inay kasoo qayb galaan dadkii ugu badnaa ee meel mar qura iskugu yimaada oo ah 150 milyan oo madax, min Jannaayo 15 ilaa Maarso 2019.

Wasiir Dibadeedka dowladda dhexe ee federaalka ah ee Hindiya iyo dowlad-goboleedka Uttar Pradesh ayaa ka wada shaqaynayay abaabulka iyo martigelinta oo danjirayaal ka socda 72 dal lagu tusayay qaabka ay u socoto is diyaarinta waqcaddan oo ku qabsoomaysa magaalada Prayagraj.

Hindiya oo ka mid ah dhaqaalayoowga haatan soo baxaya ee caalamka ugu kobaca badan ayaa waqcadda Kumbh Mela 2019 u adeegsanaysa inay kusoo jiidato dareenka dalxiiska caalamka, iyadoo sidoo kale doonaysa inay gasho buugga rikoodhada adduunka ee Guinness Book of World Records.

Waxaa danjirayaasha goobta lagu casuumey ka mid ahayd Danjiradda Soomaaliya u fadhisa Hindiya Ebyan Ladane Saalax, waxayna taasi muujinaysaa muhiimadda ay Hindiya u leedahay xiriirka diblomaasiyadeed ee Somalia oo ka mid ah kuwa ugu faca wayn.

Sawirrada: Amaal Hoggaamo


Hadalsame Media