CEYNTE:- “Dowladdu waa inay Magdhow siisaa Qalbidhagax, ONLF-na ka saarto liiska Argagixisada,”

0

(Muqdisho) 17 Dis 2018 – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ceynte ayaa tallooyin muhiim u soo jeediyay dowladda Soomaaliya kuwaas oo ay mid yihiin in Magdhow la siiyo Cabdikariin Muuse Qalbidhagax, islamarkaana Soomaaliya Liiska argagixisada ka saarto ururka ONLF.

Caynte ayaa aad u bogaadiyay  una ammaanay Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Xoosh Jibriil oo isagoo ku sugan dalka Jabuuti halkaas oo uu kaga qaybgalayo shirka Machadka Heritagela la arkay isagoo madaxa u salaaxaya Qalbidhagax.

Mr. Ceynte ayaa tallooyin ka kooban afar qodob u soo jeediyay dowladda Soomaaliya.

Maxay yihiin Tallooyinkaasi?

“Madaxa meel ka sarreeysa oo la taabto ma lahan, Waa dhaqan Soomaaliyeed, Waana boggaadinayaa C/raxmaan Xoosh, Waxaase iga talo ah in:
a) Dowladdu raalli galin siiso Qalbi-Dhagax.
b) ONLF ka saarto liiska argagixisada.
c) Magdhow siiso Qalbi-Dhagax.
d) Hubiso inaan loo laaban dambigaas.

Bishii Sabteebar ee sanadkii hore ayaa xukuumadda Soomaaliya waxay Argagixiso u aqoonsatay ONLF, waxaana Qalbi Dhagax oo la sheegay inuu xiriir la lahaa Al-Shabaab loo gacangaliyay Itoobiya inkastoo mar dambe la sii daayay.

Hadalsame Media