RW Khayrre oo La kulmay wasiirrada arrimaha dibedda Qatar, Turkey, Kenya iyo Japan

0

(Dooxa) 16 Dis 2018 – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay Magaalada Dooxa ee dalka Qatar kulan kula qaatay Wasiirradda Arrimaha Dibadda Qatar, Turky, Kenya iyo Japan, sida lagu faafiyay warbaahinta dowladda.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay wasiirrada ayaa looga wada hadlay xoojinta xariirka dalalkaas iyo Soomaaliya iyo iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Amb. Axmed Ciise Cawad oo kamid ah wafdiga ra’iisul wasaarre Khayre ayaa kulanka goob joog ka ahaa.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo booqasho ku tegay Qatar 12/12/2018 ayaa intii uu dalkaas joogay waxa uu kulan la qaatay dhiggiisa iyo Amiirka Qatar, waxa uu khubad u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qatar, isaga oo shalay ka qayb galay madasha Sannadlaha ah ee Dooxa.

Intii Ra’iisul Wasaaruhu uu ku guda jiray booqashadiisa Dooxa, labada dawladood waxa ay kala saxiixdeen heshiisyo muhiim ah, iyada sidoo kale dawladda Qatar ay ballan qaaday dardar-gelina iyo fulinta mashaariicdii horumarineed ee horay loogu heshiiyay in ay Soomaaliya ka fulinayso.

Hadalsame Media