Maxaan ku dhaartay & xildhibaan Malabsade!?

0

(Hadalsame) 16 Dis 2018 – “Wax walba iyagaa isla raba…, ma iyagaan weligeen u xayirnaanaynaa…? Hadda xoogaa rajaan qabnaa oo rag badan ayaan saaka isu keennay…, in kastoo aan dadkaan la isku hallayn karin…, bal aan eegno galabta markii la isu soo noqdo sida wax noqdaan.”

Dhawr maalmood ka dib markii la dhaariyey, ayuu xildhibaan Malabsade taleefan kula xiriiray rag ay qaraabo yihiin oo Yurub ku maqan aadna uu ula socodsiinayey wixii soo kordha maadaama lagu jiro maalmo adag oo la magacaayo wasiirro iyo xubno kale oo dawladeed. Maalmahaan hurdadu waa ku yar tahay xildhibaanka, dhawrka saacadood ee uu seexdana waxaa hurdada ka qasa riyo iyo qaraw baas oo doodihii maanta iyo xisaabihii berri uu la shir tegi lahaa ku saabsan. Sidii caadiga u ahayd wax uma cuno oo dhawr kiilo ayaa jirkiisa ka dhacay, laakiin waxaas oo dhan wuxuu isku illawsiiyaa rajada u soo muuqata inuu mar uun darajo dawladeed qabto.

Taleefanadu ma kala joogsadaan. Dhawr qaaradood dad kala jooga ayuu si joogto ah ula socodsiiyaa meesha wax marayaan. Arrimuhu waxay isu bedelayaan saacad-saacad, is bahaysiyadu waxay ku dhismaan dhawr maalmood waxayse ku burburaan daqiiqado. Mooshinada iyo sharciyada la dejiyaa waxay ka bilawdaan baarlamaanka dhexdiisa waxayna ku dhamaadaan baarlamaanka dhexdiisa. Baarlamaanka dibeddiisa waxaa xukuma ummado kale oo qalaad. Waddanku isuma furna oo nabad ma wada aha. Talada Soomaalidu gacantooda kuma wada jirto. Laakiin taasi uma muuqato Xildhibaan Malabsade iyo raggiisa. Waxaase si fiican ugu muuqda in uu qabaa’ilka Soomaaliyeed xaqiisa ka soo dhacsado oo aan cadkiisa nin kale qaadan. Meel fog ayuu wax ka dareemaa oo hadduu arko dhawr xildhibaan oo meel wada taagan waxay ku abuurtaa shaki iyo seexan-waa. Habeenkaas oo dhan wuxuu ka shaqeeyaa sidii uu nimankaas qorshaha ay maleegayaan uga hortegi lahaa.

Caruurtii iyo hooyadood waqti uu kula hadlo oo fiican ma hayo. Islaantu markay caruurta iyo dayacnaantooda ka soo hadasho wuxuu ugu jawaabaa inuu hawlo ka muhiimsan hayo oo uu ‘ummad’ u shaqaynayo.

Galab uu yimi makhaayad ayuu daawaday cajalad ku saabsan shirkii xildhibaanimada loogu doortay. Waaba wax ku cusub. Xoogaa markii uu daawaday ayaa waxaa cajaladdii ka soo muuqday isagii oo la dhaarinayo ” Waxaa igu wallaahi ah…. Billaahi…. Tallaahi… Soomaalinimo …… Caddaalad …. Islaam…”

Dhidid ayaa ku soo joogsaday, Jahwareer ayuu dareemay…, saacad ka badan ayuu fadhiyey makhaayaddii isagoo keligiis hoos isula hadlaya. Shaahii loo shubay wuu illaaway oo hortiisa ayuu ku qaboobay. “Kala fogaa wixii aan u dhaartay iyo waxa aan hadda ku dhex jiro!?” wuxuu isu keeni waayey xilkii uu u dhaartay iyo wixii uu siddeedii bilood ee la soo dhaafay ku mashquulsanaa. Wuxuu ogaadey in markii uu doorashada baarlamaanka soo gelayey ay dhaartu ahayd waxa ugu weyn ee hor yaalley, laakiin hadda ay noqotay waxa ugu fudud ee uu dhaqso u illaaway.

Galabtaas oo dhan wuxuu is weydiinayey meesha laga keenay in dadka xilka qaadaya la dhaariyo, ma quraankaa sheegay, ma nebigeenii (CSWS) ayaa dardaarmay, ma Soomalidaa caado u lahayd mise dhaqan qalaad bay nooga timi.

Malabsade xasuustii dhaartiisu waxay ku sii abuurtay murugo cusub iyo inuu isagii is garan waayo. Xoogaa markuu is canaanto ayuu hadana is lahaa “keligey maxaa i xanuujinaya? Xubnaha baarlamaanka oo dhan soow kuwaas danahooda iyo dano aan Soomaalidu shaqo ku lahayn dhex boodaya…, soow kuwa heshiiskii loogu yeeraba iska saxiixaya…, soow maaha kuwa qabaa’ilkooda u hadlaya oo aan Soomalinimo dan ka lahayn…?”

Laakiin in yar ka dib ayuu hadana dib isu canaananayey oo isu miisaamayey bal in isaga iyo raga la midka ahi ay is daba qaban karaan oo, siday ku dhaarteen, ay colaadda joogtada ah qaboojin karaan ama maatada qaxsan ee xerayaha qaxootiga ku maqan caymin karaan. Mar-marka qaar wuxuu ku fekerayey siduu is bedel uga bilaabi lahaa baarlamaanka, bal in dhaartoodii la xasuusiyo xubnaha, mar-marna waxaa u muuqanaysay in arrin alifka ka xumaatay aan albaqra laga sixi karin – dhaar aan markii horena laga fiirsan, markii dambena la ilaalin inay cuquubo keentay.

Ugu dambayn wuxuu ku tashaday bal in uu cajaladii makhaayada ka soo qaado oo uu baarlamaanka ka dhex shido, bal in dadka meesha la joogaa ay dareenkiisoo kale ku dhaliso oo ay markaas si wadajir ah is bedel u bilaabaan.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media