DAAWO: Ma aaminaysid cidda farsamaysay dharka quruxda badan ee ciidamadan + Sawirro

0

(Muqdisho) 16 Dis 2018 – Dharka ciidankani ku labisanyihiin waxaa tolay maxaabiis ku jirta Xabsiga Dhexe ee Xamar, iyaga oo xabsiga ku jira ayayna nolol maalmeedkooda kasoo saartaan xirfadda dhar tolidda.

Waxyaabaha iigu cajiibsanaa oo ay ii sheegeen qaar kamid ah waxaa kamid ah in qaan lagu leeyahay oo dhawr kun gaaraya, oo loo soo xirayay, ay isaga bixiyaan lacagaha ay ka helaan xirfadaha ay ku barteen gudaha xabsiga sida sameynta qalab xafiisyeedyada, sariiraha, miisaska iyo farsamada baabuurta.

Mashruucan waxbarista maxaabiista si ay u yeeshaan xirfad ay berri ku shaqaystaan oo ay bulshada ku dhex galaan waxaa gacan ka gaystey Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo ah Taliyaha Asluubta Soomaaliyeed.

Hadalsame Media