Khudbad jeedinta Musharixiinta Koofur Galbeed oo ka bilaabmaysa Baydhabo (Yaa bilaabaya?)

0

(Baydhabo) 16 Dis 2018 – Amaanka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo ay bilaabatay hadal jeedinta Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed.

Xildhibaanada Koofur Galbeed ayaa ku sugan hoolka ay ka bilaabatay dhageysiga khudbadaha musharixiinta Koofur Galbeed, waxaana musharax walbaa uu soo bandhigayaa waxqabadka uu la imaan doono haddii la doorto.

Xubno ka socdo dowladda Soomaaliya iyo wasiiro hore ayaa kusugan goobta kuwaasi oo goobjoog ka ah hadal jeedinta musharixiinta Koofur Galbeed oo hadda lagu koobay shan ruux.

149 xildhibaan ayaa ku sugan goobta hadal jeedinta, waxaana sidaasi si lamid ah maalinta beri ah la dhageysan doonaa Khudbadaha labo musharax oo kamid ah musharixiinta buuxsiyay sharuudaha laga doonayay.

Seddexda Musharax ee maanta khudbadaha jeedinaya sida ku qoran jadwalka hadal jeedinta ayaa kala ah: 1 – Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) 

2 – Ibraahim Macalin Nuur

3 – Xuseen Cismaan Xuseen

Xigasho: Caasimadda Online

Hadalsame Media