DAAWO: ”Somalia & Eritrea waxaa lagu dhiibi rabaa saxan qalin ah, balse Somalia….!” – Prof Bereket

0

(South Carolina) 16 Dis 2018 – Madaxwaynaha Eritrea ee Isaias Afwerki, ayaa mucaaradad adag kala kulmay mid ka mid aqoonyahannada ugu waawayn dalkiisa Eritrea oo ku eedeeyay inuu saxan qalin ah ku dhiibayo dalkiisa oo uu Itoobiya siinayo, isagoo tixraacaya qorshaha isdhexgalka Geeska Afrika.

Professor Bereket Habte Selassie ayaa madaxwaynaha Eritrea ku eedeeyay inuu diidey in si rasmi ah loo calaameeyo xuduudda labada dal, taasoo buu yiri wiiqaysa madax banaanida Eritrea.

Prof. Bereket Habte Selassie, oo sii hadlaya ayaa yiri ka warran Somalia? Somalia, aad bay uga ballaaran tahay Eritrea waxayna u socotaa isla jihadaas. Balse dadka Soomaaliyeed waxay haystaan kaarar badan oo hawada ku dari kara qorshaha Itoobiya. Yaa doonaya inuu dadkiisa kusoo fasoxo 70 milyan oo Itoobiyaan ah oo baahan? ayuu is waydiiyay.

Bereket Habte Selassie oo ka mid ah dadka aad ugu kacsan Madaxwayne Afwerki, waa aqoonyahan dhanka sharciga iyo dowladnimada ah, wuxuuna culuunta Afrikaanka iyo Afro-Maraykanka ka dhigaa University of North Carolina oo ku taalla Chapel Hill, iyo isla qaybta sharciga ee University of North Carolina School of Law.

Hadalsame Media