DAAWO: Ruushka oo Maraykanka uga soo baxay aag uusan filayn (Saxaafadda oo afka furatay!)

0

(Moscow) 16 Dis 2018 – Ruushka ayaa sheegay in laba dayuuradood oo nooca wax duqeeya ah ee Tu-160 Blackjacks ay 10-saac oo duullimaad ah oo ku soo dul mareen Badda Caribbean Sea iyagoo ka yimi Venezuela ay iminka soo guryo noqdeen.

Kremlin-ka ayaa dayuuradahan sameeya duqaymaha istaraatijiga isla markaana laba jeer guuxooda ka dheereeya iyo dayuurado kale oo kaalmaynayay u diray dalka Laatiin Ameerika, taasooo qaylo iyo sawaxan badan ka yeersiisey Maraykanka oo ay warbaahintiisu afka furatay.

Dayuuradaha ciidamada cirka Venezuelan Air Force ee F-16A/B Viper iyo Su-30MKV Flanker-C ayaa iyaguna soo gelbiyay labadan bomar ee Tu-160s, oo ay wehlinayeen An-124 oo xamuulka qaadda iyo Il-62 oo rakaabka xamaasha oo 12-kii bishan ka degey gegada Maiquetía “Simón Bolívar” International Airport ee caasimadda Venezuela ee Caracas, kaasoo sidoo kale ah saldhig dhanka cirka ah.

Hadalsame Media