14 sanno oo xabsi ayaa lagu xukumay ciidamo ku hor banaanbaxay xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya!

0

(Addis Ababa) 16 Dis 2018 – Maxkamad Ciidan oo ku taala dalka Itoobiya ayaa xukun ku riday 66 askari oo ka tirsan ciidamada millatariga dalkaasi kuwaas oo lagu eedeeyay in Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay ku hor banaanbaxeen iyagoo waqtigaas dalbanayay in Mushaarka loo kordhiyo.

Waxyaabaha sida gaarka ah loogu haysto askarta la xukumay ayaa lagu sheegay inay ka tallaabsadeen anshixii Ciidamada ee dalka Itoobiya. Xukunkan ayaa qaadan doona 14 sanno oo xabsi ah.

Askartaan la xukumay, ayaa qayb ka ahaa ku dhawaad 200 (Labo boqol)  oo askari kuwaasoo bishii Oktoobar ee sanadkaan ku hor banaanbaxay xaafiiska RW Cabbeey Axmed ee Magaaladda Addis Ababa.

Hadalsame Media