”Waxyaabaha ka dhacay Baydhabo waxaa lagu dari doonaa eedaha loo haysto madaxwaynaha” – Odawaa

0

(Muqdisho) 15 Dis 2018 – Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa ka hadlay xasaraddii beryahan ka taagnayd magaalada Baydhabo oo iminka u muuqata mid sii qaboobaysa.

Wuxuu xildhinaanku soo qoray sidatan: ”Ruux damiir iyo dadnimo yar ay qalbigiisa ku harsan tahay kama aamusi karo sawirada ka imaanya Baydhabo ee dilka, xarigga iyo indhaduubka ah. Waxay inna soo xusuusinaysaa taariikh hore oo mugdi ah iyo maraxalado dalku ka soo gudbay.

”Madaxweyne Farmaajo sida shacabka Soomaaliyeed ee Baydhabo jooga ay maanta ula dhaqmeen ciidan amarkaada ku shaqaynaya, waxaa lagu dari doonaa eedaha ay xildhibinaada mooshinka kaa keenay kuu soo jeediyeen. Taariikhdu meel madow ayay kugu xusi doontaa.” ayuu warkiisa kusoo afjaray Odawaa.

Hadalsame Media