DAAWO: ”Galmudug waxay taageersan tahay DF” – Ubax Tahliil

0

(Muqdisho) 15 Dis 2018 – Xildhibaannadda Ubax Tahliil oo laga soo doortay maamulka Galmudug kana mid ah xildhibaannada diiddan mooshinka laga keenay Madaxwaynaha ayaa ka hadashay kulan ay maanta ku qabsadeen Hotel SYL, Muqdisho.

Xildhibaanad Ubah ayaa tiri: “Galmudug oo aan Matalo dadka ku abtirsada DF ayey taageersanyihiin nin iga daba hadlikaraana ma jiro. Qof kasta wejigiisa kaamirada hallugu qabto si naloo wada arko”.

Halkan hoose ka DAAWO…


Xildhibaannadan shiray oo sheegtay inay dhan yihiin ilaa 135 dibutaati ayaa usoo jeediyay Guddoonka Baarlamanka inuu ka fiirsado ku adkaysiga mooshin ay sheegeen inuu ‘burey’ si bay yiraahdeen aan dalka loo gelin xasarad dastuuri ah.

Hadalsame Media