SOMAALIYA KALIYA AYEY KA DHICI KARTAA!!! (Akhri)

0

(Muqdisho) 12 Dis 2018 – Siyaasadda iyo Siyaasiyiinta dunida waxa ay leeyihiin Hal-beeg lagu cabiro sida: Mucaarad iyo Muxaafid, Midig, Midig dhexe, Midig fog, Bidix, Bidix dhexe, Bidix fog iwm. Haddii Xizbi ama Kutlo ama Qof ay Go’aansadaan in ay diga-rogtaan ama ka guuraan Mabda’ii iyo Mowqifkii hore waxa ay ku qaadataa Waqti iyo hab-raac la maro oo sababaysan, dadkana u cad si ay u taageeraan ama u mucaaradaan.

Lkn Siyaasadda iyo Siyaasiyiinta Somaaliya kaliya ayey ka dhici kataa in ay hal Maalin gudihiis isku bedelaan 360 Digree Mucaarad ilaa Muxaafid ama Muxaafid ilaa Mucaarad.

Tusaale;
1. Siyaasi Subaxdii Muxaafid ah, Galabkiina Mucaarad ah ama dhinaca kale.
2. Siyaasi Subaxdii Faraxsan, Galabkiina Xanaagsan ama dhinaca kale.
3. Siyaasi Qof ama Koox Amaanaya Subaxdii, Galabkiina Caayaya ama dhinaca kale.
4. Siyaasi Subaxdii Wadani ah, Galabkiina Qaran-dumiye ah ama dhinaca kale.
5. Madaxweyne Mucaarad ku ah Madaxweyne iyo Gudoomiye Mucaarad ah: waa Qof ku fadhiya Kursiga ugu Sareeya haddana Mucaarad ah.
6. Siyaasi Subaxdii Shabaab ah, Galabkiina Madax ah.
7. Siyaasi Subaxdii la bartay, Galabkiina Madax ah.
8. Siyaadi Subaxdii Faqiir ah, Galabkiina Malyuu-neer ah.
9. Siyaasiyiin Subaxdii Saaxiibo ah, Galabkiina Cadaw isku ah.
10. Siyaasi Subaxdii Dadka oo dhan Madax u ah, Galabkiina Koox Madax u ah.

Waxaan tusaalihii ugu danbeeyey ka qaada karnaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka:
Subaxdii Axada waxa uu Madax u ahaa 275 Xildhibaan, Galabkiina 20 Xildhibaan oo aan ku aragno iyaga oo isla Sawiraya kaligood, Albaabkiisana Garaacaya kaligood, kana cabanaya in laga xirtay kaligood!! Aaway 255 tii kale? Muxuu ula Shiri waayey una dhageysan waayey Aragtidooda? Sawirna ula geli waayey? Maxaa gaar ah oo ka dhexeeya 20 kaan Qaylinaya? Maxaa gaar ah oo uga maqan 20 kaan Dawladda oo aan uga Maqnayn Umadda kale? Muxuu ka waayey Gudoomiyuhu 55 Waziir oo Xildhibaanno ah iyo 200 Xildhibaan oo Guryahooda Jeefa ee uu ka helayaa 20 kaan Orodka iyo Qeylada dheer? Muxuu Qalbi-dhag u yahay 20 kaan, oo uusan u aheen inta kale? Muxuu yahay Denbiga uu ka galay Madaxweynuhu 20 kaan, oo uu san ka gelin 15 Malyan oo Soomaali ah?

Yaa fasiri kara Su’alahaas, yaase Macneyn kara waxa lagu Taageero ama lagu Mucaarado Siyaasiga Soomaaliya???

W/Q: Maxamed Gacal

F.G: Qoraalkani waxaa uu ka turjumayaa arragtiga Qoraaga ku saxiixan.

Hadalsame Media