SAWIRRO: Soomaaliya, Talyaaniga iyo Hay’adda FAO oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

0

(Muqdisho) 12 Dis 2018 – Wasiirka Beeraha iyo Waraabka dowladda Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid, Safiirka Dowlada Talyaaniga Danjire Carlo Campanile, Wakiilka Soomaaliya ee Hey’adda Horumarinta Talyaaniga Guglielmo Giordano (Italian Agency for Development Cooperation) iyo Hey’adda Qaramada Midoobay ee Beeraha iyo Cuntada ayaa maanta heshiis ku wada saxiixday magaalada Muqdisho.

Heshiiskan ayaa waxaa qayb ka ah dib-u dayactirka Xaruntii dhexe ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Muqdisho, hirgalinta mashaariic beeralayda ka caawinaysa qaababka casriga ah ee Waraabka (Meodern Irrigation Technology) iyo Kaabayaasha Waraabka iyo saadaasha dhinaca waraabka iyo beeraha.

Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalka taageera Soomaaliya gaar ahaan dhinaca dib u dhiska Kaabayaasha dhaqaalaha iyo tababarada

Hase ahaatee waxaa Heshiiskaan farsamo ahaan hirgalin doona Hey’adda FAO ee Qaramada Midoobey iyo Wasaaradda Beeraha.

Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdulaahi Xaamud, Wasiir ku-xigeka Beeraha Xaamul Cali Xasan iyo Agaasiimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Maxamuud Maxamed Maxamuud.

Hadalsame Media