MURSAL:-“Mooshinka waxaa la waafajin doonaa Xeer-hoosaadka Golaha shacabka iyo Dastuurka,”

0

(Muqdisho) 12 Dis 2018 – Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Mooshinka laga keenay Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la marsiin doono sida uu qabo xeer-hoosaadka iyo dastuurka dalka.

Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa dab ku sii shidaya xaaladda Siyaasadeed ee qalafsan ee xiligaan soo kala dhex gashay hoggaanka Baarlamaanka iyo Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira warar ay baahiyeen xildhibaanada mucaaradka ah ee dadaal la riixaya Mooshinka kuwaas oo sheegay in afhayeenka Baarlamaanka uu ka soo baxay xarunta Villa-Hargeysa oo ku dhextaala aqalka Madaxtooyada Villa-Somalia.

Lama oga si rasmi ah sababta ka dambeysa ka bixitaanka Guddoomiyaha xaafiiskiisa rasmiga ah hase ahaatee waxaa la sheegayaa inuu hadda ku sugan yahay Hotel Shabeel oo u dhow Aden Adde Airport.

Xogheynta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay sii daayay qoraal lagu sheegay inuu burburay mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxwaynaha Soomaaliya.

Mooshinka waxaa la aamisan yahay inay gadaal ka riixayaan dowladdo shisheeye gaar ahaan Imaaraadka Carabta.

Hadalsame Media