Madaxwayne Farmaajo oo soo dhaweeyay go’aanka Aqalka Sare ku ansixiyay sharciga Hay’adda Naafadda

0

(Muqdisho) 12 Dis 2018 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ansixinta Sharciga Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah.

Farmaajo ayaa sheegay in ansixinta sharcigan ay aasaas u tahay mideynta iyo dardargelinta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu kaabayo nolasha dadkeenna naafada ah.

“Waxaan uga mahadcelinayaa xildhibaannadeenna sharafta leh ee Aqalka Sare ansixinta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah. Sharcigaan waxa uu saldhig u yahay xaqiijinta xuquuqda ay leeyihiin dadka naafada ah ee Soomaaliyeed”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaaqay Xukuumadda inay kaalinteeda hoggaamineed ka qaadato hirgelinta Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah iyo dardar gelinta qorsheyaasha ku qotoma xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran nolasha dadka naafada ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in falalka arxan darrada ah ee  ururkaAl-shabaab ay ku bartilmaamsadeen shacabka Soomaaliyeed ay kordhiyeen tirada dadka naafada ah, isagoona sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay gacanna kula dagaalamayaan cadawgaas, gacanta kalena ay ku dhisayaan dalkooda.

Hadalsame Media