MACALLINKAYGII IGA GAARSIIYA! Farriin ku socota Faarax Cabdulqaadir

0

(Muqdisho) 12 Dis 2018 – Anigu ku oran maayo wax ka badan waxaad nagu oran jirtay.

Macallin Farah Sheikh Abdulqadir Ma kula hadli karaa?

Macallin waxa aad nagu oran jirtay dadaala, oo waxa tihiin madaxdii mustaqbalka ee dalkaan.

Waxa aad nagu oran jirtay Illaahay ka cabsada meel kasta aad joogtaan, is ixtiraama, dadka idinka weyn ama maamuuska lehna ixtiraama (Madaxda).

Waxa aad dhihi jirtay, is ilaaliya, ha raacina kuwa hubka wata, oo qabyaaladda aaminsan, meel xun ha istaagina, dadka xun xuna hawaheshanina.

Waxa aad si wanaagsan noogu sharaxi jirtay dawladnimada, nidaamka iyo faa’iidada kala danbeynta.

Waxa aad marar badan la ooysay, nasiib daradda nagu dhacday, burburka dalka gaaray, dhicidda dawladii dalka oo aan halis ugu jirno dhimasho, aqoon la’aan ama halista heebta qabiilka

Waxa aad carabka ku adkeen jirtay inaan ixtiraanno macalimiinta, maamulka talada dugsiga haya iyo qofkastoo noo shaqaynaaya.

Waxa aadan marnaba ilaabi jirin inaad tiraahdo ha xanaaqina, xanaaqu waa camal shaydaaane.

Waxa caado kuu ahaa inaad ka hadasho xaasidnimada, quuri waaga, sabar la’aanta, isfiirsiga iyo iskadaba qaadashada.

Waan Kula yaabnay Macallin

Hadii anagoo yar yar tarbiyadaas aad na soo bartay. Hadii anagoo u baahan aad sidaa na oran jirtay.

Hadii aad noo diyaarisay dadka aan maanta nahay.

Sidee inagoo waa weyn kaaga yeelnaa qarankan duminayaa?!!

Sidee kaaga dhagaysanaa inaad ag istaagtid dad ku faanaaya 1991-kii iyo inay sax ahayd halistii aad naga badbaadisay!!
Macallin Maxaa ku daaray??

Sidee kaaga dhagaysanaa nidaamka jiraan duminayaa, oo mid ka wanaagsan baan keenayaa!!

Sidee kuu aaminnaaa marka aad agtaagan tahay dad aan sumcadd ku lahayn dadka ay doonayaan inay talada u qabtaan!! Maxaa ku daaray Macallimuu??

Macallin, markee baad qaldan tahay ama saxan tahay?

Macallin ma kula hadli karnaa sidaad noola hadli jirtay?  Macallin makuu waaanin karnaa sidii aad noo waanin jirtay?
macallin ma imaqlaysaa!!! Maxaa ku daaray Yaakheey?

Anigu ku oran maayo wax ka badan waxaad nagu oran jirtay.

Waxan ku leeyahay oo kaliya, intaad nagu dhihi jirtay, waxa kaliya aan rabaa waa inaan cajaladii aad nagu shubtay aan adigana maanta kugu shubno.

Waxa aan ku leeyahay macallin dadka xun xun ha raacin, dowladnimadu waa qaali, xasadka iyo xanaaqu waa camal shaydaan, sabarka siyaasadeed haka tagin, dadnimadda hadaayacin.

Alla ka cabso meel kastoo aad joogto, maamulka iyo nidaamka hadda jiraa ixtiraam, ixtiraam si aad mar kale u noqoto madaxdii bari…… kaaga badin maayo intaa!!!

Macallin dowlada hanaga dumin! Hanaga duminiiiin!!! Ha iga ooysiinin Macallin!! Eh!!!

Sidii aad mustaqbalkeena uga nixi jirtay ayaan mustaqbalkaaga siyaasadeed uga naxayaa, waayo dadkan aad wax la waddaa maaha dad aad isku aragti, taaariikh, dadnimo iyo fikirba tihiiin.

Macallin waxaan ku jiray, oo aad ogtahay dadkii garabkaaga istaagay (2016-kii) markii Sooomaali badan ay sumcaddaada dhaawaceen, walina inaan ku difaacaan diyaar u ahay, faan iga maaha ee waa inaad ii maqashaa sidii anigoo yar aan kuu maqli jiray.

Macalinkaygii sharafta iga mudnaayoow, iga raali ahoow haddaan si adag kuula hadlay, kana raali ahoow haddaan sidii ugu wanaagsanayd aanan yeelin.

Waxaan xasuusanahay wixii aad nabartay oo uu baytkan gabay uu ka mid yahay:
قم للمعلم وفه التبجيلا…. كاد المعلم ان يكون رسولا
Waan ku salaamayaa Macallin.

Qore: Hussein Adan

Hadalsame Media