Faahfaahin ku saabsan ururka Al-Shabaab oo sadex ruux ku toogtay deegaanka Mubaarak

0

(Mubaarak) 12 Dis 2018 – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya sadex ruux oo ururka Al-Shabaab shalay galinkii dambe ku dileen deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dilka ayaa ka dhacay goob fagaare ah iyadoona ay fuliyeen koox ku hubeysnaa hubka fudud waxaana daawanayay dadweyne laga soo bixiyay guryaha oo lagu qasbay inay daawadaan sida ay toogashadu u dhacayso.

Dadka la toogtay ayay Al-Shabaab sheegtay in labo ka mid ah ay ahaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, halka ruuxa kalena ay ku sheegeen inuu ka mid ah Ergadii soo xushay Baarlamaanka Soomaaliya.

Hase ahaatee ma jirto ilo madaxbanaan oo xaqiijin kara sheekada ururka Al-Shabaab oo aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay fuliyaan toogasho nuucaan ah.

Hadalsame Media