Baydhabo oo lagu qabtay Gaari qarax siday iyo darawalkii waday (Faahfaahin)

0

(Baydhabo) 12 Dis 2018 – Ciidamada amniga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay gaari lagu soo raray walxaha qarxa iyo darawalkii waday.

Gaariga ayaa la sheegay inuu yahay nuuca gaadiidka raaxada waxaana uu Magaalada Baydhabo ka soo galayay dhanka Tuullada Raama Cadeey, iyadoona Ciidamo joogay banaanka Baydhabo ay gacanta ku dhigeen.

Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Maxamed Xuseen ayaa saxaafadda u xaqiijiyay qabashada Gaariga walxaha qarxa saarnaayeen iyo waliba sida uu yiri darawalkii waday gaarigaasi.

Wasiirka ayaa sheegay inay abaalmarin mudan yihiin ciidamadii iyo saraakiishii gacanta ku dhigay gaarigaan oo sida uu sheegay la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka.

Koonfur Galbeed ayaa isku diyaarinaysa doorashada hoggaamiyaha Maamulkaasi oo la qorsheynayo inay dhacdo 19 bishaan.

Hadalsame Media