“Waxaan la kulmay odayaal u taagan xallinta mushkiladda taagan” – Xasan Sheekh oo la kulmay rag ay ka mid yihiin Cali Mahdi, Nuur Cadde…

0

(Muqdisho) 11 Dis 2018 – Waxaa guriga uu magaalada Muqdisho ka deggan yahay madaxwayne Hore Xasan Sheekh Maxamed kulan ugu tegey siyaasiyiin ruug caddaayaal ah si ay uga arrinsadaan marxaladaha hadda murugsan.

Xasan Sheekh ayaa soo qoray: “Waxaa maanta igu soo booqday gurigeyga siyaasiyiin waaweyn oo reer Muqdisho ah Waxaana ka wada sheegakeysannay danta guud ee dalka iyo dadka.

“Waan uga mahadcelinayaa dadaallada ay ugu jiraan xal u helidda mashaakilaadka maanta taagan qaarkood.” Ayuu kusoo koobay Xasan Sheekh.

Siyaasiyiintan oo ay qaarkood isu taageen ka odayaynta khilaafka iminka taagan ayaa waxaa ka mid ahaa Cali Mahdi Maxamed, madaxweyne hore, Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyne hore, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), Raisulwasaare hore, Muuse Suudi Yalaxow, Senator iyo Ismaaciil Macalin Muuse, Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta qaranka.

Hadalsame Media