Sifooyin muujinaya in AAW uu yahay tiisa raacde! | W/Q: Cabdiraxmaan Yuusuf

0

(Hadalsame) 10 Dis 2018 – Maxay tahay sababta aan sidaa u leeyahay? Wuxuu had iyo jeer ka cawdaa wax isaga ku dhacay, sidoo kale wuxuu ka werweraa oo uu afka ku hayaa wax isaga ku dhici kara! Wixii isaga naftiisa taabanaya ama uu naftiisa buuq ugu samayn karo ayuun buu ka hadlaa. Taasi waxay muujinaysaa inuu yahay danayste.!

Dabadeed ninkaas oo kale haddii talada loo dhiibo cid kale wanaag kuma hoggaamin karo ama hawl meel ka ma dhaqaajin karo. Maxaa yeelay in aad bulsho u adeegto ama hoggaamisaa waxa ay u baahan tahay in aad danta guud u hoggaansato.

Taasina waa ay ka maqan tahay dhaqanka siyaasadeed ee aynu Ina Cabdishakuur ku barannay. Waaba nin haddii dalka iyo dadkuba rogmayaan ka dhex raadinaya uun dantiisa gaarka ah iyo midda afarta la siyaasadda u danta ah! Dib u eega inta jeer uu hadlay ama qoraal sameeyay, kuma jirto hal mar oo qudha oo uu dan qaran xeeriyay ama dowladda hal arrin ku raacay.

Bal dib u jalleec meelaha uu ka khudbeeyo iyo erayada uu ku hadlaa waxay u badan yihiin kuwo xanaf leh, mararka qaarna wuxuu si toos ah ugu baaqayaa in la oogo foowdo iyo qaaquullo.

Wuxuu ka mid yahay qaar kale oo siyaasadda Soomaalida ku jira oo aad is odhanayso muran iyo iska hadal baa loo abuuray. Waayo qofku waa inuu lahaadaa han ka wayn fadhi ku dirir, mucaaradad aan waxba xeerinayn iyo taada oo aad raacato, balse uu yeeshaa sifaad uu umad badan ku hagi karo ama ku dhaqi karo.

Waxaa Qoray: Cabdiraxmaan Yuusuf

Hargaysa, Somalia

FG: Qoraal kasta wuxuu xambaarsan yahay aragtida qoraha ku saxiixan.

Hadalsame Media