CABDI XAASHI:- ” Inta badan tabashooyinkii Maamullada ee dowladda dhexe waa la xaliyay,”

0

(Kismaayo) 09 Dis 2018 Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaaladda Kismaayo ayaa sheegay in inta badan laga heshiiyay tabashooyinkii maamul gobolleedyada ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in hadda ay harsan tahay oo kaliya in dhinacyadu si toos ah isku soo hor fariistaan oo ay dhameeyaan wixii khilaaf ah ee harsan una dhaxeeya.

Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa la kulmay hoggaamiyaasha ugu sareya Maamulka Jubbaland.

Jubbaland ayaa la aaminsan yahay inay geed fadhi u tahay khilaafka dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamullada hase ahaatee shalay ayay ahayd markii Madaxwayne kuxigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan uu sheegay inay aqbaleen in la dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaal Soomaaliya.

Hoggaamiyaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa isna la rumeysan yahay inuu ka mid yahay madaxda Maamullada ee aadka ugu lugta leh khilaafka labada dhinac.

Hadalsame Media