SOMALILAND:- “Maraykanka isagaa laga rabaa sidii uu Soomaliland ula dhaqmi lahaa haddii Safaaraddiisa uu u raro Muqdisho,”

0

(Washington) 08 Dis 2018 – Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga Maraykanka ayaa Idaacadda VOA uga warramay ujeedada safarkooda.

Waxyaabaha uu ka hadlay wasiirku waxaa ugu muhiisanaa qorshaha Maraykaku Safaaradiisa ugu rarayo Muqdisho iyo sidoo kale wadahaladda Soomaaliya iyo Maaulka Somaaliland.

“Somaliland mar kasta diyaar bey u aheyd mana ka hor iman wada hadal lala galo Soomaaliya, diyaar ayeey-na u tahay in ay Soomaaliya wada hadlaan oo wixii leysku hayo miiska la soo dhiggo,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland.

Isagoo ka hadlayay qorshaha dowladda Mareykanku safaaraddeeda ugu rarayso magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland aysan ku qasbanaan doonin inay tagto Muqdisho.

“Taasi marnaba ma dhici karto, haddii ay Mareykanka safaaraddooda u raraan magaalada Muqdisho, dabcan iyaga ayeey u talaa sida aan isku arkeyno iyo goobta kale oo aynu ku kulmi karno’’ ayuu yiri Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud

Hadalsame Media