SAWIRRO: Wax ka ogow kulanka sadex geesoodka ah ee hoggaamiyaasha Jabuuti, Suudaan iyo Itoobiya

0

 

(Addis Ababa) 08 Dis 2018 – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhigiisa Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa Maanta gaaray Magaalada Jimmi ee Ismaamulka Oromada ee dalka Itoobiya. Labada Madaxwayne ayaa kala hogagaaminaya wufuud ballaaran.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Cabbeey Axmed iyo madax ka tirsan Ismaamulka Oromada ayaa soo dhaweeyay wafdigan.

Madaxweynaha Jabuuti Mr. Geelle iyo Madaxweynaha Suudaan Al-Bashiir ayaa ka qeyb geli doonaan bandhig dhaqameedka Sanadlaha ee Qowmiyadaha Itoobiya oo ka dhaci doona Magaalada Jimmi ee xarunta Ismaamulka Oromada.

Hoggaamiyaasha saddexda dal ayaa sidoo kale ka wada hadli doona arrimaha horumarineed ee dalalkooda iyo habkii loo xoojin lahaa xiriirka cusub ee Geeska Afrika.

Hadalsame Media