SAWIRRO: Uganda oo ciidamo kale u soo diraysa Soomaaliya

0

(Kampala) 08 Dis 2018 – Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamo dheeraad ah ay u soo direyso Soomaaliya si ay qayb uga qaataan howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Taliyaha ugu sareeya ciidamada qalabka sida ee Uganda General Gen David Muhoozi ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka mid ah ciidamada cusub ee dalkiisu u soo dirayo Soomaaliya.

Cutubkan ayaa ka tirsan ururka 26aad ee ciidamada millitariga ee dalkaasi Uganda waxayna soo dhamaysteen tababar ay muddo 6 bilood ah ku qaateen dalkooda.

Ciidamadaan cusub  ee loo soo dirayo Soomaaliya waxaa Taliye u ah Kolonel Toffa Magino.

AMISOM waxaa ka joogta Soomaaliya ku dhawaad 30 kun oo askari hase ahaatee illaa hadda kuma aysan guulaysan in Al-Shabaab laga saaro dhul badan oo kooxdaani ka maamusho bartamaha iyo Koonfurta dalka.

Hadalsame Media