Ruushka oo wada hindise uu iskula xirayo Giriigga, Talyaaniga & Turkiga!

0

(Moscow) 08 Dis 2018 – Russia ayaa diyaar u ah inay iskaashi dhaqaale la yeeshaan maamulka Athens gaar ahaan dhanka waaxaha tamarta, sida laga soo xigtey madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin oo sheegay in aanu meesha ka saaraynin in uu Giriigga gaarsiiyo tubbooyinka gaaska sida ee uu soo marinayo Turkiga.

“Waxaannu diyaar u nahay fulinta mashaariic kaabayaal ah oo dhanka tamarta ah oo aannu iskaashi kala yeelanayno Giriigga. Waxaa taa ka mid noqon karta in aan isku xirno Turkiga iyo Koonfurta Yurub,” ayuu yiri Putin oo shir jaraa’id la qabtay RW Giriigga Alexis Tsipras oo uu ku qaabiley Moscow.

© Sergey Guneev
Yurub ayaa aad ugu tiirsan gaaska uu hodonka ku yahay Ruushku

“Waxaa jira tubbooyin loogu tala galay inay gaaska sii marsiiyaan Giriigga oo ay deeto Talyaaniga u gudbaan, balse weli gaas laguma sii daynin, marka waa inaan ka fikirnaa badeecadii halkaa mari lahayd. Waa suuragal aanan meesha ka saaraynin.” ayuu raacshey Putin.

Hadalsame Media