Maxaa looga hadlay kullamada Aqalka Sare la yeeshay hoggaamiyaasha Maamulka Jubbaland?

0

(Kismaayo) 08 Dis 2018 – Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose islamarkaana ah xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan wadahadalo u dhaxeeya madaxda Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya iyo hoggaamiyaasha Jubbaland.

Kismaayo waxaa weli ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi waxaana safarkoodu salka ku hayaa isku isku-soo dhaweynta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa loo arkaa inuu geed fadhi u yahay khilaafka soo jiitamayay ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah Maamullada.

Xubnaha Aqalka Sare ee tagay Kismaayo ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee Maamulkaasi Maxamud Sayid Aadan.

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlayay Idaacadda Dalsan oo ku taala Muqdisho ayaa sheegay in dhowr shir oo la doonayay in lagu xaliyo khilaafkaas lagu guuldareystay,hayeeshee uu rajeynayo in haatan laga gudbi doono khilaafkaasi.

Maxamud Sayid Aadan ayaa dhocda kale Waxaa uu sheegay inay soo dhaweynayaan dadaalada xal raadinta ah oo ay wadaan Golaha Aqalka Sare,isla markaana ay aqbaleen,si buu yiri xal buuxa loo gaaro.

Hadalsame Media