Madaxwaynayaasha Suudaan & Jabuuti & RW Itoobiya oo xarigga ka jaray mashaariic qaali ah + Sawirro

0

(Jimma) 08 Dis 2018 – RW Itoobiya Dr Abiy Ahmed , Madaxwaynaha Suudaan ee Omar al-Bashir iyo dhiggiisa Ismail Omar Guelleh oo Djibouti ah ayaa maanta xarigga ka jaray Jimma Industrial Park.

Dhulkan, oo laga dhisay wershado dharka soo saara oo ku fadhiya 1.5 milyan oo mitir oo laba jibbaaran waxaa ku baxday 61 milyan oo doollar.

Seddexda hoggaamiye ayaa sidoo kale dhagax dhigay Mashruuca jid 79 km ah oo isku xiraya Jimma – Agaro-Dedes, kaasoo ay ku bixi doonto 1.37 bilyan oo birr.


Hadalsame Media