HAH! Haweenay guriga iskaga sii haysatey cunug dhicis ah oo ay dhashay isagoo mayd ah + Sawirro (Kaddib maxaa xigey?)

0

(Lancaster) 08 Dis 2018 – Haweenay muraara dillaacsan ayaa laba todobaad sii haysatay gabar dhicis ah oo ay dhashay iyadoo mayd ah – waxay xitaa lasoo marmartay jidadka iyadoo sidoo kale bartay carruurteeda.

Emma Woodhouse, 27 jir, kasoo jeedda Lancaster, England, ayaa dhashay gabar dhicis ah oo lagu qalay (c-section) oo la yiraahdo Jessica taasoo mataan la ahayd Bella iyagoo jira 29 todobaad oo qura, kaddib markii ay Mandheertu ku dhex qaraxdey minka haweenayda.

Ha yeeshee, waloow ay badbaaddey Bella, Jessica waxay dhalatay iyadoo dhinsan, waana soo toosi wayday tiiyoo ay dhakhaatiirtu 22 daqiiqo isku deyayaan inay wadneheeda maanso ku kiciyaan (resuscitate), iyagoo filayay inuu si KMG ah u istaagey.

Balse Emma oo ah hooyo 3 carruur ah oo kale leh ayaan taa ku qancin iyadoo guriga usoo qaadday maydka Jessica oo ay halkaa 2 todobaad kula noolayd. Way u qubaynaysay iyadoo xitaa jidadka lasoo socsoconaysay iyadoo uu wehlinayo ninkeeda Paul, waxay xitaa bartay carruurteeda kale.

Hadalsame Media