XOG: Lucas Paquetà oo berri kusoo wajahan Milano

0

(Milano) 07 Dis 2018 – Lucas Paquetà, oo ah laacib lagu wado inuu Jannaayo kusoo biiro kooxda Rossoneri, ayaa Talyaaniga soo caga dhiganaya todobaad dhamaadkan.

Paquetà oo Milan ugu fadhiya 35 milyan oo euro ayay u badan tahay inuu berri oo Sabti ah soo caga dhigto magaalada Milano, iyadoo sida uu dhigayo Tuttosport, uu laacibkan reer Brazil uu caafimaadka ku mari doono “La Madonnina”.

Laacibka ayaa tijaabada kaddib wuxuu fiidnimada Axadda soo tiigsan doonaa San Siro si uu u daawado ciyaarta Milan-Torino oo qabsoomaysa 20.30.

Hadalsame Media