Tababar Jabuuti loogu soo xirey ciidamo ka tirsan Booliiska Somalia + Sawirro

0
123

(Jabuuti) 07 Dis 2018 – Tababar qaatay muddo 3 bilood ah oo loo qabtay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa lagusoo abyay dalkaasi Jabuuti.

Taliyaha Ciidamada Somalia, Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, oo dalkaasi u tegey xiritaanka tababarkan ayaa aad u amaanay dalalka Somalia ku caawiya tayaynta iyo tababarka ciidamada Booliiska.

Tababarkaan oo ciidamadan uga socday Dugsiga Tababarka Booliska dalka Jabuuti ee Idiris Faarax Habbane, ayaa lagu baranayay casharro la xariira Baaritaanka Fal-dembiyeedka, ka hortagga rabshadaha, sugida amniga iyo dishibiliinka guud ee ciidamada.

Hadalsame Media

Facebook Comments