”Cad cad ayaan kuu jarjaraynaa haddaan ku qabanno!” – Muluqii ‘Messi Yare’ oo ay noloshiisu halis ku jirto + Sawirro

0
454

(Ghazni) 06 Dis 2018 – Wiilka yaraa ee reer Afghan ee lagu naanayso ‘Messi yare’ ayay khasab ku noqotay inuu naftiisa la baxsado kaddib markii sida la yiri ay u dhaarteed kooxda Daalibaan oo wacad ku maray inay cunuggaa yar ”cad cad u jarayaan” haddii uu u gacan galo.

Murtaza Ahmadi ayaa 2016-kii dunida uga yaabiyay jacaylkiisa laacibka Barcelona ee Lionel Messi markii lasoo sawiray isagoo xiray bac khafiif ka kooban midabbada caddaanka iyo buluug cireedka oo uu ku ciyaaro xulka Argentina oo uu dhabarka uga qoray Messi iyo lambar 10.

Mutaza ayaa markii dambe nasiib u yeeshay inuu la kulmo Messi, balse wiilka yar oo iminka 7-jir uun ah ayaa ku nool xaalad calwasaad ah, isagoo xitaa kasoo cararay kubaddii uu siiyay Messi.

Mutaza iyo qoyskiisa ayaa ku noolaa gobolka Ghazni oo markii hore amaan ahaa balse ay iminka weerarro ku qaadaan kooxda Daalibaan oo si hordhac ah ugusii dhaartay inay dilayaan wiilka yar.

Hadalsame Media

Facebook Comments