Nin wiil ay gabar isku hayeen ku baxareeyay ‘weerar argagixiso!’ + Sawirro

0

(Sydney) 05 Di 2018 – Nin la dhashay xiddigga ciyaarta cricket-ka u ciyaara Xulka Qaranka Australia Cusmaan Khawaja ayaa sabab u noqday in wiil dhallinyaro ah 4 bilood u xirnaado tuhun argagixisanimo.

Arsalan Khawaja ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta in uu been ka sheegay Maxamad Kamer Nizamdeen kaas oo afar bilood ku jiray xabsi aad loo ilaaliyo kadib markii Boliiska Australia ku eedeeyeen in uu rabay in uu fuliyo hawgal argagixiso uu na diyaarsaday sidii uu ku dili lahaa siyaasiyiin ay ka mid yihiin Raisul Wasaarihii hore Malcom Turnbull iyo Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Julie Bishop iyo in sidoo kale uu qarxiyo dhismaha caanka ah ee Opera House. Bishii August ayay Laamaha Ammaanku xireen Mr.

Nizamdeen kadib markii ay heleen waraaq gacanta lagu qoray ayna sheegeen in uu Nizamdeen qoray taas oo ay ku qornaayeen magacyada siyaasiyiinta uu dili rabay iyo goobaha uu weerari rabay, ayaga oo ku eedeeyay in uu ka tirsan yahay ururka Isis. Laakiin bishii October ayay Boliisku dacwadii laaleen Nizamdeenna siidaayeen kadib markii khubarro qoraallada gacantu caddeeyeen in uusan Nizamdeen qorin waraaqaha.

Talaadadii shalay ayay Boliiska New South Wales xireen Arsalan Khawaja ayaga oo ku eedeeyay in uu asagu qoray waraaqaha beenabuurka ah. Arsalan Khawaja ayaa sida Boliisku sheegeen arrintaan u sameeyay kadib markii uu ka masayray Maxamad Nizamdeen oo xiriir dhexmaray gabar ay Arsalan wadasheekaystaan.

Maxamad Nizamdeen oo ah arday shahaadada PhD-da ka diyaariya Jaamacadda New South Wales ayaa Boliiska ku eedeeyay xirfad xumo iyo in ay ai sharcidarro ah u xireen, waxa uu na sheegay in uu maxkamad la tiigsan doono Boliiska.

Waxaa Diyaariyay: Cali M Diini

Hadalsame Media